Somalia: Xubno loo soo magacaabay gobolka Banaadir

Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdishu Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta magacaabay Gudoomiye ku-xigeeno iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulkiisa cusub.

Degreeto kasoo baxday Xafiiska Mudane Taabit ayaa lagu magacaabo Afar Gudoomiye ku xigeen iyo Xoghayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay kamid yihiin Labo haween ah.

Isbedelka uu sameeyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka dambeeyay wadatashiyo uu la sameeyay labadii todobaad ee lasoo dhaafay Odayaasha dhaqanka gobolka iyo wasiirka arrimaha Gudaha Cabdi Farax Saciid (Juxa).

Waxaa la magacaabay :-

1- Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay Marwo Muluuka Dheere Sheekh Cabduqaadir.

2- Gudoomiye ku Xigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay Saalax Sheekh Maxamed.

3- Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay Cabdullaahi Xaaji Erig.

4- Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay Aadan Sheekh Cali.

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Wararar ayaa sheegay in Gudoomiye Thaabit uu qorsheynayo inuu xilalka ka qaado qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo xilka soo hayay tan iyo 2014 xilligii mamaulkii Muungaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM