​Somalia: Xukun lagu riday dadkii diley Wariye Hindiya

Image

MUQDISHU- Maxkamadda ciidamada qalabka sida Somalia, ayaa maanta u fariisatay maxkamadaynta shakhsiyaad la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Allaha u naxariistee Wariye Hindia Xaaji oo dhawaan u geeriyootay qarax lagu xiray gaarigeeda.

Ragga la xukumay waxay dhawaan qirteen dambiga lagu soo eedeeyay iyagoo caddaystay inay ka tirsanyihiin ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Somalia, Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go'aanka maxkamadda, wuxuuna  sheegay in Cabdirasaaq Maxamed Barrow lagu xukumay dil toogasho ah maadaama uu ahaa ninkii qarxa ku dhajiyay gaariga Hindiyo Xaaji.

Eedeysanayaasha kala ah; Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf, ayaa qoorta loo gashay ciqaab gaarsiisan xabsi daa'im maadaamada lagu helay inay faafin jireen afkaarta ururka Shabaab.

Horaantii December, 2015, ayaa la dilay Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre, oo kamid aheyd shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM