Somalidii lagu laayay Yemen oo la aasayo

Image

SANCA, Yemen- Wararkan aan ka helayno safaaradda Soomalida ee dalka Yemen, waxaa maanta la qorshaynayaa in la'aaso dadkii lagu laayay duqayntii ka dhacay xeebta magaalada Xudayda ee dalka Yemen taasoo ay ku dhinteen dad Somaliyeed oo la socday doon.

Dadkan oo la laayay 33 maalin ka hor ayaa duugtooda la samayn doonaa, sida ay mas'uuliyiinta safaaraddu cadeeyeen.

Weerarka dadkaas lagu laayay oo dhacay 17 March, 2017 waxaana ku dhintay 43 qof oo dhammaantood Somali ah, waxaana dhaawacmaya in kabadan 80 ruux.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir dhinaca Taleefonka ah la yeelatay mas’uuliyiin katirsan kooxda xuutiyiinta oo gacanta ku haya dadkaas waxayna ku heshiiyeen in meydadkaasi la duugo.

Kooxdan ayaa horay u sheegtay inaysan dadkaas duugi doonin ilaa laga helo dadka dhintay ehelkooda.

Qaar kamid ah dhibanayaasha ubadkooda iyo ehelkooda la laayay ayaa saxaafadda ka sheegay inay ka xunyihiin maydka lagu hayo tallaagadaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM