Somalidii lagu laayay Yemen oo la aasayo

Image

SANCA, Yemen- Wararkan aan ka helayno safaaradda Soomalida ee dalka Yemen, waxaa maanta la qorshaynayaa in la'aaso dadkii lagu laayay duqayntii ka dhacay xeebta magaalada Xudayda ee dalka Yemen taasoo ay ku dhinteen dad Somaliyeed oo la socday doon.

Dadkan oo la laayay 33 maalin ka hor ayaa duugtooda la samayn doonaa, sida ay mas'uuliyiinta safaaraddu cadeeyeen.

Weerarka dadkaas lagu laayay oo dhacay 17 March, 2017 waxaana ku dhintay 43 qof oo dhammaantood Somali ah, waxaana dhaawacmaya in kabadan 80 ruux.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir dhinaca Taleefonka ah la yeelatay mas’uuliyiin katirsan kooxda xuutiyiinta oo gacanta ku haya dadkaas waxayna ku heshiiyeen in meydadkaasi la duugo.

Kooxdan ayaa horay u sheegtay inaysan dadkaas duugi doonin ilaa laga helo dadka dhintay ehelkooda.

Qaar kamid ah dhibanayaasha ubadkooda iyo ehelkooda la laayay ayaa saxaafadda ka sheegay inay ka xunyihiin maydka lagu hayo tallaagadaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM