Somaliland: Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka xibiga UCID oo is-casilay

Image

23 November, 2015(GO)-Murashaxii madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in uu iska casilay jagadaas iyo xubinnimadii xisbiga.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu Cabdirashiid waxa uu ku sheegay in sababta iscasilaaddiisa ay tahay khilaaf uu sheegay inuu kala qaybiyay xisbiga UCID. 

Cabdirashiid Xasan waxa uu ku eedeeyey hoggaanka xisbigaasi in uu qayb ka yahay burbur uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu ku soo fool leeyahay xisbiga UCID, hase ahaatee hoggaanka xisbiga ayaa isna dedafeeyay eedayntaas.

Cabdirashiid, si cad uma sheegin cidda uu sheegay inay dumineyso xisbiga UCID, hase yeeshee waxa uu guddoomiye Feysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu arrintan xalin karin waayey.

Feysal Cali Waraabe oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in xisbiga UCID uu waqti badan ku bxiyey oo aysan suurtagal ahayn inuu gacantiisa ku dumiyo.

 Xigasho: VOA

Related Articles

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM

Dawladda Puntland oo adkaysay amaanka xeebaheeda

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale uga digay cid kasta oo isku dayda inay ka hortagto ciidamada ama adeegsato maleeshiyaad hubeysan.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 09:09AM