Somaliland oo diiddey inay qaabisho qaxootiga ka imaanaya Yemen

Image

May 24, 2015 (GO)- Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay joojisay qaxoontiga ka soo qaxaya dalka Yemen ee soo galaya Somaliland, iyadoo sabab uga dhigtay laba arimood oo kala ah  dhinaca nabad galyada iyo in hayadihii arimaha qaxoontiga ka shaqynayay ay diideen in ay dadka u dhashay Somalia u aqoonsadaan qaxoonti,

Hadalkan waxaa maanta hargeysa kaga dhawaaqay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade .

Shir jaraaid oo ku qabtay xafiiskiisa ayaa sidoo kale uu ku sheegay in qaxoontiga hore u joogay ay taakulayn doonaan si ay u gaaraan dalalkoodii.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Somaliland gaaray qaxooti gaaraya 3,000 oo qof oo ka soo cararay dalka Yemen.

Xigasho: VOA

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM