Somaliland oo soo bandhigtey hubkii lagu qabtey Berbera

Image
Image
Image
Image

February 1, 2015 (GO)- Somaliland ayaa markii ugu horreysey warbaahinta usoo bandhigtey hub iyo gaadiid dagaal oo  la sheegay inay saarnaayeen markab todobaadkii hore kusoo xirtey dekeda magaalada Berebera.

Gaadiidka dagaalka ee qafilan oo ay kaareyaal iyo beebeyaal ku jiraan iyo weliba dhowr tan oo qoryaha fudud iyo rasaas ah ayaa loo bandhigay warbaahinta.

Mas'uuliyiin u hadlay hay'adaha ammaanka Somaliland waxay sheegeen inaysan ilaa iyo hada haynin macluumaad dhameystiran oo ku saabsan hubkan iyo cida iska leh, marka laga reebo warar aan la xaqiijin oo sheegaya in laga soo raray deked ku taala dalka Sudan loona wadey dalka Imaaraadka Carabta.

Puntland ayaa walaac ka muujisey hubkaas oo sida ay sheegtay halis gelin kara ammaanka gobolka Geeska Afrika, islamarkaana ay suurogal tahay inuu gacanta u galo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Golis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM