Soomaali laga soo tar-xiilay Mareykanka oo la keenay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad ay la socdeen Muwaadiniin Soomaaliyeed, oo laga soo tar-xiilay wadanka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay dalkooda galabnimaddan Jimcaha ah [29 bisha June 2018].

Dadkaan lasoo tar-xiilay oo gaarayeen 83 qof, oo isagu jiraa rag iyo dumar ayaa laga dejiyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana keentay diyaarad gaar ah oo kasoo qaadey Mareykanka, taaso oo soo martay Kenya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya oo kamid ah xubnihii soo dhaweysay dadkaan ayaa sheegay in mas'uuliyadda dadkaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Bishii December ee sanadkii hore 2017, maamulka Trump wuxuu ku fashilmay inuu dalkooda kusoo celiyo 90 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo diyaaradii ay la socdeen sababo farsamo kasoo laabatay dalka Senegal, oo galbeedka Africa ku yaalla.

Dadkii la socday diyaaraddaas oo dib loogu celiyay Mareykanka, iyo ehelkooda ayaa waxay gudbiyeen dacwad ku aadan in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay, inta ay saarnaayeen.

Talaabadda lagu soo musaafuriyay dadkaan ayaa qeyb ka ah siyaasadda Madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump, kaasoo tan iyo markii xafiiska la wareegay 2017 waday qorshayaal ka dhan dadka soo galootiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM