Soomaali lagasoo masaafuriyay Maraykanka oo Muqdishu la keenay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, soo gaaray 67 qof oo lagasoo masaafuriyay dalka Maraykanka, kuwaasoo uu qabtay sharciga lagu tarxiilayo muhaajiriinta ee uu keenay Madaxweyne Trump.

Diyaarad Khaas ayaa dadkaas keentay magaalada Muqdishu taasoo soo martay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi, halkaasi oo ay ku soo dejisay 5 Kenyan ah oo iyana la soo masaafuriyay.

“Waxaa loo soo tarxiilay arrimo la xiriira socdaalka oo ay ka mid tahay sharci la’aan, waa nalagu soo wargeliyay qorshaha keenidooda,” Sidaasi waxaa warbaahinta gudaha u sheegay sarkaal ka tirsan Hay’adda socdaalka.

Laamaha socdaalka ee Somalia, ayaa xusay in dadkaan caafimaad qaabaan iyagoo nabad ahna ay yimaadeen Muqdishu.

Dadkan lasoo tarxiilay ayaa wararku sheegayaan inaysan haysan sharci, halka kuwo kale lagu helay dambiyo.

Bishii Janaayo ayay aheyd markii Madaxweyne Trumo uu soo saaray sharci ka mamnuucaya in dalka Mareykanka soo galaan Muslimiinta illaa lix dal oo kala ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Iiraan, Yemen iyo Suuriya.

Wixii ka dambeeyay go'aankaas waxaa socday ol'ole ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciga ee ku sugan waddanka USA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM