Soomaali lagasoo masaafuriyay Maraykanka oo Muqdishu la keenay

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, soo gaaray 67 qof oo lagasoo masaafuriyay dalka Maraykanka, kuwaasoo uu qabtay sharciga lagu tarxiilayo muhaajiriinta ee uu keenay Madaxweyne Trump.

Diyaarad Khaas ayaa dadkaas keentay magaalada Muqdishu taasoo soo martay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi, halkaasi oo ay ku soo dejisay 5 Kenyan ah oo iyana la soo masaafuriyay.

“Waxaa loo soo tarxiilay arrimo la xiriira socdaalka oo ay ka mid tahay sharci la’aan, waa nalagu soo wargeliyay qorshaha keenidooda,” Sidaasi waxaa warbaahinta gudaha u sheegay sarkaal ka tirsan Hay’adda socdaalka.

Laamaha socdaalka ee Somalia, ayaa xusay in dadkaan caafimaad qaabaan iyagoo nabad ahna ay yimaadeen Muqdishu.

Dadkan lasoo tarxiilay ayaa wararku sheegayaan inaysan haysan sharci, halka kuwo kale lagu helay dambiyo.

Bishii Janaayo ayay aheyd markii Madaxweyne Trumo uu soo saaray sharci ka mamnuucaya in dalka Mareykanka soo galaan Muslimiinta illaa lix dal oo kala ah Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Iiraan, Yemen iyo Suuriya.

Wixii ka dambeeyay go'aankaas waxaa socday ol'ole ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciga ee ku sugan waddanka USA.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM