Soomaalida Mareykanka oo wacdaro ka dhigay doorashooyinka 2020

Image

WASHINGTON, US – Afar Soomaali-Ameerikaan ah ayaa guulo waaweyn kasoo hooyey doorashooyinka Mareykanka ee sanadkan, sidda ay muujinayaan natiijooyin horudhac ah oo kasoo baxay cod-bixinta tirinteeda ay socoto.

Hodan Xasan iyo Maxamed Nuur ayaa afarta sano ee soo aadan waxay qayb ka noqon doonan Aqalka Hoose ee gobolka Minnesota ka gedaal markii ay ku adkaadeen hardankii ay la galeen murashaxiin kale.

Arrimo ay kamid tahay dejinta siyaasadda iyo dowlad wanaaga ayaa qayb ka ah qodobada waaweyn ee go'aan ka gaaristooda saami ku yeelanayaan.

Cumar Fataax ayaa loo doortay Aqalka Sare ee ismaamlka Minnesota, taasoo ka dhigeysa Soomaaligii ugu horeeyay ee golahaas kamid noqda.

Sharci-dejinta ayaa kamid ah qadiyadaha waaweyn ee wax ka qabashahooda horyaala afarta sano ee soo aadan oo golahaas uu xubinta ka yahay.

Baratanka ugu adag waxaa gashay isla markaana labinta heshay Ilhaan Cumar oo difaacatay kursigeeda Aqalka Hoose ee baarlamaanka Mareykanka.

Ilhaan oo 2018-kii noqotay Soomaali-Afrikaankii ugu horeeyay Muslim-na ah ee kamid noqota Kongareeska ayaa farxad weyn ka muujisay guusheeda.

Dhamaan Soomaalida ku badiyey ololaha doorasho oo ay galeen ayaa ka tirsan xisbiga dimuqraadiga, waxaana ay la tartameen murashaxiin kale oo ka socday Jamhuuriga iyo qaar kale oo si madax-banaan u loolamayey.

Guushooda ayaa muujineysa koror ku yimid ka qeybgalka Soomaalida ee siyaasada Mareykanka halkaasoo kalkii hore ay qaxooti ahaan ku galeen markii ay waddankooda uga qaxeen colaad, waxayna ka dhimeysaa culeyska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM