Soomaalida Turkiga oo indho shaki leh lagu hayo

Image
Shacab badan oo isticmaala Baraha Bulshada iyo warbaahinta dalkaasi Ayaa Aad Uga carooday, kuna baaqay in ninkaasi la xiro. 

ISTANBUL, Turkiga - Waxaa soo kordhaya dhacdooyinka aan wanaagsanayn ee ay dhexda ka galaan Soomaalida Turkiga, iyada oo hadda uu abuurmay jawi kala shaki ah oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Shacabka dalkaasi. 

Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay ahayd nin Soomaali ah oo ay booliiska xabsiga dhigeen kadib markii uu iska soo duubay muuqaal isaga oo jarjaraya lacagta Liiraha dalkaasi, sheegayana in aysan wax qiimo lahayn. 

Shacab badan oo isticmaala Baraha Bulshada iyo warbaahinta dalkaasi Ayaa Aad Uga carooday, kuna baaqay in ninkaasi la xiro. 

Ninkan ayaa ka yimid dalka Finland, wuxuuna fiiso ku joogay dalkaas. 

Todobaadyo ka hor waxaa jirey haweenay Soomaali ah kadib markii ay soo duubtay muuqaal ay kaga hadlayso qarixii dhowaanta ka dhacay Istanbul. 

Waxaa sidoo kale jira isfaham daro u dhaxeeya Soomaalida iyo shacabka dalkasi. Gaar Ahaan dhanka kireysiga guryaha iyo goobaha ganacsiga. Meelaha qaar ayaa Soomaalida loo diidey in ay kireystaan guryaha. 

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa iyana la sheegay in ay adkaysay fiisooyinka dadka caadiga ah la siiyo, iyada oo shuruudo adag lagu xirey degenaanshaha Turkiga oo markii hore fududaa. 

Dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, iyada macaamilkeeda waxa ay kusoo koobtay dhanka xiriirka labada dowladood, mana jiro wax dedaal ah oo la galiyay dhanka Arrimaha bulshada,  xilli kumanaan kun oo Soomaali ah Ay degeyaan dalkaasi. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM