Soomaaliya: 32 katirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa fahfaahin ka bixiyay dagaal Al Shabaab kula galeen qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 10aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta gobolka Hiiraan Axmed Maxamed Maxamuud [Tareedisho] ayaa sheegay in Ciidamada guul ka gaareen dagaa ka dhacay Tuulada Bulacle oo hoostaga degmada Maxaas. 

Wuxuu sheegay in dagaalka markii horey uu ka dhex qarxay Al Shabaab iyo Dadka deegaanka kadib markii ay diideen inay bixiyaan Zako qasab ah, iyadoo markii dambe ay ku biireen dagaalka Ciidamada xoogga dalka oo halkaasi loo diray gurmad ahaan.

Taliye Tareedisho ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay uga dileen Al Shabaab 32 xubnood kuwaasi oo ay kamid ahaayeen hogaamiyaal sare, oo Kooxda u qaabilsanaa dhanka aruurinta Zakada ay xoogga uga qaado Dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool gobolka Hiiraan.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay duleedka degmada Maxaas, balse wararka ayaa sheegaya in Xaaladda deegaanka ay hadda tahay mid degan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM