Soomaaliya: Shabaab oo 5 qof ku dishay Sh/hoose

Image

KURTUNWAREY, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay shan Muwaadiniin Soomaali ah oo ay kueedaysay inay u basaasi jireen sirdoonka dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Shanta nin ayaa lagu toogtay fagaaro ku yaalla degmada Kurtunwarey ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo ay kasoo qeybgaleen boqolaal dadweyne ah, oo haween iyo caruur ay kamid ahaayeen, sida Goobjooge uu u sheegay Warsidaha Garowe Online.

Qaadiga xukumay raggan oo madax uga ah Al Shabaab Maxkamadda degmada Kurtunwarey ayaa goobta ka sheegay in dadkan ay toogteen dhamaan lagu helay dembiyada lagu soo oogay, iyadoo aan jirin qareenno madax-banaan uu u dooday.

Shanta ruux ee la dilay waxay kala ahaayeen:

1- Cabdiqaadir Cumar Xasan oo da’diisu ahayd 23 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay maamulka degmada Qoryooley.

2 - Cabdiqaadir Shukri Xasan oo da’diisu ahayd 30 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

3 - Muxamed Abshir Cali oo da’diisu ahayd 35 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidaamda Itoobiya.

4 - Cali Axmed Sheekh Cali Oo da’diisu ahayd 30 Jir, waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

5 - Cali Yuusuf Axmed [Jacfar Dheere] oo da’diisu ahayd 36 Jir waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidanka Kenya.

Al Shabaab oo laga saarey inta badan deegaanadii ay gacanta ku haysay ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena hadda hogaamiyaal sare ku waysay Duqeymaha Mareykanka ayaa dilalka noocan ah ka fulisa goobaha ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM