Soomaaliya: Al Shabaab oo qof ku gowracday duleedka Waajid

Image

WAAJID, Bakool - Al shabaab ayaa saaka qof shacab ah ku gowracday duleedka degmada Waajid, ee gobolka Bakool, oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka ninka shacabka ah ayaa la sheegay in ay qabteen Al shabaab isagao iyo saddex kale, iyagoo watay Gaari dameer saarnaa cunto, islamarkaana kusii jeeday degmada Waajid, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Waxay Al shabaab ku gowracday ninkan deegaanka Caleemow, oo qiyaastii 22KM u jira degmada Waajid, iyadoo wararku ay sheegayaa in saddexdii kale ee la socotay ay baxsadeen.

Al shabaab ayaa horey ugu digtay dadka ganacsatada ah inay raashiin iyo badeecooyin kale geliyaan Waajid, oo ay go'doomin kusoo rogeen markii laga soo saarey sanadkii 2014-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM