Soomaaliya: Al-Shabaab oo Qorsheynaya Weeraro

Image

WASHINGTON DC — Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helanay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay qorshayanayaan weerraro inay ku qaadaan xarrumaha muhiimka ah ee ay ku sugan yihiin dadka ajanaibta ah gaar ahaan dadka reer galbeedka. 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay doonayaan in weeraradan ay uga aargutaan duqeymo iyo howl-gallo dhacayey dhowaanahan oo saraakiil sare looga dilay kooxda. 

Goobaha laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weeraraan waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha, gaadiidka hawada, xarumaha dowladda iyo hoteellada ay ku sugan yihiin ajaaniibta iyo madaxda dowladda Soomaaliya. 

Arrintan ayaa timid laba maalmood kadib markii dawladda Maraykanka ay sidoo kale uga digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya sababtoo ah weerarro laga yaabo inay Al-Shabaab qaaddo.

VOA

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM