Soomaaliya: Al Shabaab oo weerartay deegaanka Moqokori

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Wararka ka imaanaya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaas ku sugnaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalkaas, waxaana Shabaab baahisay inay la wareegeen gacan ku haynta Moqokori.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin balse saraakiil ciidan iyo dad shacab ah ayaa wariyay inaan la heli karin xaqiiqada weerarkaas maadama ay hawada ka maqantahay is-gaarsiintu. 

Weerarka ayaa dhacay galabta goor gaaban, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ciidanku aadeen dhinaca Buulo-burde.

Lama oga khasaaraha dagaalkaas, balse waxaa la xaqiijiyay in mallayshiyaad hubaysan labo jiho kasoo weerareen saldhigyo ciidamadu ku lahaayeen deegaankaas.

Moqokori ayaa gacanta dowladda Soomaaliya soo gashay dhawaan kadib markii laga saaray kooxda Al Shabaab oo muddo sannad ah gacanta ku haysay.

Deegaanka ayaa muhiim u ah gobolka Hiiraan, wuxuuna ku xiraa gobolka Shabeellaha dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM