Soomaaliya: Al-Shabaab toogasho ka fulisay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa maanta fagaaro ku yaalla deegaanka Buq-caqable ee gobolka Hiiraan ku toogatay Askari katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Sahal Axmed Rasle ayaa gacanta lagu dhigay isagoo la socday Gaari Shacab oo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Askariga uu kamid ahaa ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka, islamarkaana ay qabteen isagoo safar dhanka dhulka ah ugu socdaalayay magaalada Caabudwaaq.

Dadweyne aad u fara badan ayaa isagu soo baxay fagaaraha Askariga lagu toogtey, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen caruur iyo haween. Maxkamad ay leedahay Al Shabaab ayaa xukunka dilka ah ku riday Sahal Axmed.

Al Shabaab ayaa inta badan dilal ku fulisa Askarta dowladda iyo dadka la shaqeeya, iyadoo dagaal kula jirta mudo ka badan 10 sano dowladda Federaalka iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markabkii Puntland Qabatay ee Muqdisho ku wajahnaa oo loo weeciyay Jabuuti

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 11:41AM

XOG: Mucaaradka oo Ka Shaqeynaya Qorshe Cusub oo Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh 

Waxaa la filayaa in tallaabadani ay qeyb ka noqoto dagaalka siyaasadeed ee ka dhanka ah Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 07:32AM