​Soomaaliya: AMISOM oo qarax lagula eegtay Bakool

Image

WAAJID, Soomaaliya - Qarax miino ayaa saaka ciidamo katirsan AMISOM waxaa lagula eegtay deegaan ku yaalla duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Saraakiisha gobolka ayaa u xaqiijiyay GO in qaraxa oo ahaa miino lala eegtay Kolonyo ay wateen ciidamada Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa Waajid iyo Rabdhuure.

Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartey ku sheegtay in weerarka ay ku gubeen mid kamid ah Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Ethiopia, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen Askartii la socotay.

Qaraxa kadib, xubno katirsan Al shabaab, ayaa dagaal toos ah la galay ciidamada Ethiopia, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaarey iska-hor-imaadkaasi.

AMISOM kama aysan hadlin wali weerarka.

Al-Shabaab ayaa inta badan Qaraxyo la beegsata AMISOM xilliyadda ay ku safrayaan wadooyinka ku yaalla gobolka Bakool, oo aad ay ugu xoog badan yihiin Xoogaga mintidiinta xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM