Soomaaliya: Aqalka Sare oo Go’aanno kasoo saaray Mooshinka Jawaari [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudigii uu Aqalka Sare u magacaabay dhawaan xalinta Khilaafka Gollaha Shacabka ayaa maanta ku qabtay Shir Jaraa'id magaalada Muqdisho kaasi oo ay kaga hadleen waxyaabihii u qabsoomay.

Xubnaha Gudiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa ka warbixiyay halka ay marayso howsha dhex-dhexaadinta, iyagoo la kulmay dhinacayada Khilaafka u dhaxeeya, Gudoomiye Jawaari, ku xigeenadiisa, Xildhinaada iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Waxay sidoo kale Senatorada kulan la yeesheen Madaxweyne Farmaajo oo ay ka dalbadeen inuu soo farageliyo Khilaafka ka taagan Mooshinka laga keenay Jawaari iyo sidoo xarunta Gollaha Shacabka loogu soo celin lahaa degenaashihii ka jiray khilaafka kahor.

Gudiga ayaa Ra'iisul Wasaare Khayre ka dalbaday inuu ka qaado Xarunta Gollaha Shacabka Ciidamada cusub ee uu duldhigay, islamarkaana lagu soo celiyo kuwii hore ee uu ku ogaa Hogaanka Gollaha.

Khayre ayaa ka aqbalay Gudiga dalabkiisa, wuxuuna u sheegay in arintaasi uu kala hadli doono Taliska Booliska Dowladda Soomaaliya, oo dhawaan qiray inay Ciidamo cusub geeyeen dhisamaha Gollaha Shacabka.

Gudigii loo xilsaaray Khilaafka Gollaha Shacabka ayaa soo saaray baaqyo ay kamid yihiin; in Mooshinka Jawaari loo maro qaab waafaqsan qodobka 65aad ee Dastuurka iyo qodobka 9aad ee Xeer hoosaadka Gollaha Shacabka, in la qabto Shirka Gudiga joogatada oo lagu agaasimo qaabka uu u soconayo Mooshinka, in Ciidamada laga dul-qaado Xarunta Gollaha Shacabka, laguna soo celiyo kuwii hore.

Aqalka Sare ayaa u istaagay xal u helida mashaakilka ka dhashay Mooshinka ka dhanka ah Jawaari, kaasi oo ay wadaan Xildhibaanno laga taageerayo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo ay jiraan Xildhibaanno kale oo difaacaya Gudoomiyaha.

Cabdiweli Muudey oo Maanta shir jaraa'id ku qabtey Villa Hargeysa ayaa ku amray Xildhibaanada maqan iyo kuwa fasaxa ku jira inay si deg deg ah kusoo xaadiraan, si cod loogu qaado Mooshinka, isagoo sheegin waqtiga la qabanayo cod-qaadista. Halkan ka akhri.

War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM