Soomaaliya: Barlamanka oo ansixiyay heshiiska Hindiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska xukuumadda dalka ay la gashay dhigeeda waddanka Hindiya.

Heshiiska oo dhigayay in labada waddan ay is-dhaafsadaan maxaabiis ayaa maanta la horgeeyay fadhiga golaha Barlamanka oo ay joogeen 160 mudane.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shir guddoomiyay fadhiga Xildhibaanada.

Cod la galiyay heshiiskan ay keentay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya ayaa helay cod kalsoonida golaha shacabka, waxaana ogolaaday dhammaan mudanayaashii fadhiga Joogay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in heshiiskan uu sidaan ansax ku yahay islamarkaana uu dhaqan gali doono marka uu saxiixo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Heshiiskan ayaa qeexaya habka labada dowladooda uga xaalayaan maxabiista ku kala xiran dalalkooda, iyadoo uu saamaxayo in dal walba loo celiyo cid ku jirta xabsiyada Soomaaliya iyo Hindiya.

Bishii Augost ayay ahayd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar uu saxiixay heshiiskan iyadoo ay jiraan maxaabiis badan oo ku jirto jeelasha dalkaas kuwaasoo ku eedaysan Burcadnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM