Soomaaliya: Barlamanka oo ansixiyay heshiiska Hindiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska xukuumadda dalka ay la gashay dhigeeda waddanka Hindiya.

Heshiiska oo dhigayay in labada waddan ay is-dhaafsadaan maxaabiis ayaa maanta la horgeeyay fadhiga golaha Barlamanka oo ay joogeen 160 mudane.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shir guddoomiyay fadhiga Xildhibaanada.

Cod la galiyay heshiiskan ay keentay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya ayaa helay cod kalsoonida golaha shacabka, waxaana ogolaaday dhammaan mudanayaashii fadhiga Joogay.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in heshiiskan uu sidaan ansax ku yahay islamarkaana uu dhaqan gali doono marka uu saxiixo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Heshiiskan ayaa qeexaya habka labada dowladooda uga xaalayaan maxabiista ku kala xiran dalalkooda, iyadoo uu saamaxayo in dal walba loo celiyo cid ku jirta xabsiyada Soomaaliya iyo Hindiya.

Bishii Augost ayay ahayd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar uu saxiixay heshiiskan iyadoo ay jiraan maxaabiis badan oo ku jirto jeelasha dalkaas kuwaasoo ku eedaysan Burcadnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM