Soomaaliya: Cabsi soo wajahday Shacabka Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo wajahday cabsi xooggan oo ku aadan fatahaad uu kusoo sameeyay degmada Webiga Shabeelle.

Webiga Shabeelle oo mara magaalada ayaa aad u buux dhaafiyay, waxaana uu billaabey inuu qarka jabsado oo uu ku fataho deegaanno dhowr ah oo ku teedsan Beledweyne.

Xaafadaha kala duwan ee magaalada, gaar ahaan Xaawo Taawo oo ku gaabiga u saaran Webiga ayaa dadkii deganaa billaabay inay barakacaan, iyadoo dhanka kale maamulka degmada uu wado dedaallo carro-tuur oo looga gaashaamanayo fataahad dhacda.

Wararka aan ka helay Saraakiisha maamulka ayaa sheegaya in hakad la geliyay howlihii Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, sababo la xiriira cabsida fatahaadda Webiga Shabeelle.

Roobabka Guga ayaa ka da'aya gobollada dalka, waxaana meelaha qaar lagu soo waramayaa inuu geestay khasaarooyin kala duwan, haba ugu darnaadeene dadka barakaciyaasha ah ee aan haysan guryo wanaagsan oo dhibicda roobka ka galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM