Soomaaliya: CC Shakuur oo diiday inuu tago Maxkamadda Racfaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa ka biyo diiday inuu hortago Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo maanta dhageysanaysa Dacwad isaga ka dhan ah.

Isagoo ka hadlayay xalay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Hoygiisa, ayaa Siyaasigan mucaaradka ah ku tilmaamay Kiiskiisa dib loo soo furay mid siyaasadaysan oo ay ka dambeeyeen madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale diiday in qareenno isaga matalaya ay ka qeybgalaan dhageysiga maanta ee Maxkamadda racfaanka, oo horyaallo Kiiskiisa oo Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir horgeeyay markii uu ku qanci waayay qaraarkii Maxkamadda gobolka bishii lasoo dhaafay ay kusoo dayasay CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu soo oogay eedaymo ay kamid yihiin inuu yahay qaran-dumis ka shaqeynayay sidii loo ridi lahaa Madaxaweyne Farmaajo iyo inuu dhaqaale kasoo qaatey dowlado shisheeye oo lagu abaabulayay mooshinno.

Lama oga go'aanka ay ka qaadan doonto Maxkamadda Racfaanka dacwadda hortaalla, mar hadii eedaysanaha CC Shakuur uu diiday markii labaad inuu kasoo qeybgalo dhageysiga kiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM