Soomaaliya: Ciidamo laga dul-qaadey xarunta Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xarunta GollahaShacabka Soomaaliya ayaa laga dul-qaadey Ciidamadii dhawaan la duldhigay, iyadoo lagu soo celiyay kuwii horey loogu ogaa.

Ciidamadan oo ahaa Boolis sida Militeriga u tababaran ayaa waxaa la geeyay xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada 16-kii bishii Maarso, iyadoo Xukuumadda Khayre lagu eedeeyay inay ka danbaysay arintaasi.

Waxaa dib loogu celiyay mas'uuliyadda amaanka 114 Askari oo Booliska katirsan, kuwaasi oo uu ka warhayay hogaanka Baarlamaanka, islamarkaana mushaar gaar ah lagu siinayay.

Ciidamada la duldhigay Gollaha Shacabka ayaa dhalisay buuq siyaasadeed xoggann, iyadoo Xildhibaanno ku micneeyeen afgembi militeri oo lagu sameeyay Hay'adda sharci-dejinta dalka.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay si deg deg ah uga soo qaado Ciidamada xarunta Baarlamaanka, oo uu sheegay in aysan weligeed dhicin in lala wareego Gollaha Shacabka.

Waxa uu intaasi ku daray Jawaari in hadii ay soo joogaan Ciidamada waxii dhibaato ah ee ka yimaada ay mas'uliyadeeda qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM