Dad kala duwan oo sheegtay gabadh yar oo laga heley goobta qaraxa Soobe

Image
Gabadhan yar ee aan hadli karin, magaceedana lagu sheegay Ikraan ayaa noqonaysa astaanta dhibbanayaasha qaraxa Soobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuqaaladii ugu horeeyay ee argagaxa lahaa ee kasoo baxay goobta qaraxa Soobe maalintii Sabtida ayaa ahaa muuqaal nin Askari ah uu xambaarsanyahay gabadh yar oo qiyaastii 2 jir ah oo uu sheegay in uu kasoo ag qaaday hooyadeed oo mayd ah.

Gabadhii oo dhaawacyo qabta ayaa la geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho, waxaana yimid dad kala duwan oo sheegaya in ay dhaleen.

Balse sida maamulka isbitaalka u sheegeen warbaahinta, hawsha xaqiijinta waalidka saxda ah ama qaraabada saxda ah waxaa kaliya oo xaqiijin kara booliiska Soomaaliya, kalana saari kara dadka is haysta.

Waxase uu isbitaalka xaqiijiyay in gabadha ay daweynayaan.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli warar tiro badan oo ku faafaya baraha bulshada la sheegayo in ay jiraan dad aysan dhibaatada gaarin balse si been abuur ah u sheeganaya in qaraabadooda ay ku waxyeeloobeen si ay u helaan naxariista dadka, iyaga oo qaarkood lacago looga uruuriyay goobtii qaraxa.

Xukuumadda federaalka ayaa go'aan ay soo saartay ku sheegtay in ay damaanad qaadayso daweynta dhaawacyada, iyo waxbarashada ubadka waalidkood ku dhinteen.

Gabadhan yar ee aan hadli karin, magaceedana lagu sheegay Ikraan ayaa noqonaysa astaanta dhibbanayaasha qaraxa Soobe. Ugu dambeyntii, aabaheeda ayaa la helay, sidda ka muuqata muuqaal ku faafay baraha bulshadda oo ay aad u wadaageen dadweynaha Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM