​Somaliya:: Deeq raashin oo lagu boobay Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay suuro gali weyday deeq la doonayay in loo qaybiyo dadka tabaalaysan ee ku barakacay fataahadda iyo colaadda ka jirta degmada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Deeq katimi marwada madaxweynaha Jabuuti Khadra Maxamud Xayd, ayaan loo qaybin sidii loogu talo galay, waxaana boob xooggan loo gaystay raashinka oo goob fagaare ah la isugu keenay.

Guddoomiye ku-xigeen dhanka amniga iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim, ayaa sheegay in raashinkaasi boobeen dad u badnaa rag kuwaasi oo soo jiiray carruur iyo haween qorshuhu ahaa in la siiyo.

''Ciidammada waa ay dadaaleen waana isku dayeen in ay dadka xakameeyaan, laakiin waa iska garan kartaa dad baahan oo kumanaan ah qof walbana uu doonayo in uu raashinkaa wax ka helo,"Ayuu yiri gudoomiye ku-xigeenka Hiiraan.

Wuxuu meesha ka saaray in arrintaasi mas'uuliyad xumo u dhacday isagoo xusay in ciidamada amnigu dadaaleen, balse ay adag tahay in dad baahan laga hor istaago deeq hortaalla.

Majirto sida maamulku sheegay wax khasaaro ah oo ka dhashay, balse waxa meesha ku qaday dadkii tabarta yaraa ee u baahnaa in deeqda la siiyo.

Boobkan, ayaa kusoo beegmaysa xilli dadka gobolkaasi ku nool la daalaa dhacayeen dhibaatooyin muddooyinkii dambe dul saarnaa, waxaana dowladda Soomaaliya sheegtay inay deeq gaarsiin doonto, balse wali ma gaarin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM