​Somaliya:: Deeq raashin oo lagu boobay Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay suuro gali weyday deeq la doonayay in loo qaybiyo dadka tabaalaysan ee ku barakacay fataahadda iyo colaadda ka jirta degmada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Deeq katimi marwada madaxweynaha Jabuuti Khadra Maxamud Xayd, ayaan loo qaybin sidii loogu talo galay, waxaana boob xooggan loo gaystay raashinka oo goob fagaare ah la isugu keenay.

Guddoomiye ku-xigeen dhanka amniga iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim, ayaa sheegay in raashinkaasi boobeen dad u badnaa rag kuwaasi oo soo jiiray carruur iyo haween qorshuhu ahaa in la siiyo.

''Ciidammada waa ay dadaaleen waana isku dayeen in ay dadka xakameeyaan, laakiin waa iska garan kartaa dad baahan oo kumanaan ah qof walbana uu doonayo in uu raashinkaa wax ka helo,"Ayuu yiri gudoomiye ku-xigeenka Hiiraan.

Wuxuu meesha ka saaray in arrintaasi mas'uuliyad xumo u dhacday isagoo xusay in ciidamada amnigu dadaaleen, balse ay adag tahay in dad baahan laga hor istaago deeq hortaalla.

Majirto sida maamulku sheegay wax khasaaro ah oo ka dhashay, balse waxa meesha ku qaday dadkii tabarta yaraa ee u baahnaa in deeqda la siiyo.

Boobkan, ayaa kusoo beegmaysa xilli dadka gobolkaasi ku nool la daalaa dhacayeen dhibaatooyin muddooyinkii dambe dul saarnaa, waxaana dowladda Soomaaliya sheegtay inay deeq gaarsiin doonto, balse wali ma gaarin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM