Soomaaliya: Dhaqaatiir ka socda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad siday Dhaqaatiir iyo deeq daawo ah, oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa maanta soo gaarey Muqdisho, iyagoo qeyb ka ah gurmadka caalamka u fidinayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Zoobe.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xaqiijiyay in 27 dhaqtar iyo daawooyin kale duwan ay dowladda Jabuuti soo gaarsiisay Muqdisho. Wafdigan waxaa hogaaminaya Wasiirka caafimaadka dalka Jabuuti.

Dhaqaatiirtan ayaa waxay ku biiri doonaan gurmadka xoogga leh ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan xaruumaha caafimaadka, kaasi oo lagu badbaadinayo nolosha dadka ku dhaawacmay qaraxa, oo lagu qiyaasay inay gaarayaan 430 qof.

Dowladda Jabuuti ayaa noqonaysa dalkii labaad oo is-garab-taagga Soomaaliya, oo ku jirta maalmo baroor-diiq ah, oo calankeedana hoos loo dhigay, kadib markii uu ka dhacay qarax geestay khasaaro lixaad ah, kaasi oo ay ku dhinteen 302 qof.

Diyaaradda Military oo uu soo diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa saaka kusoo dagtay magaalada, taasi oo uu la socday Wasiirka caafimaadka dalkaasi iyo dhaqaatiir, iyadoo sidoo kale u keentay shacabka dhibaatada soo gaartey daawooyin.

In ka badan 30 qof oo dhaawacyo culus qaba ayaa loo duuliyay saaka magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM