Soomaaliya: Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, oo caasimad KMG u ah maamulka Jubbaland.

Sarkaal katirsan Militariga Soomaaliya oo ku sugan gobolka ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in duqeynta taasi oo uu sheegay in lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen hogaamiyaal katirsan Al Shabaab xilli ay marayeen deegaanka Beerxaani.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ayaa dhowr gantaal ku weerartay gaadiidka Al Shabaab, waxayna burburiyeen qaar kamid ah kolonyada baabuur.

Warar kale oo GO ka helayo Illo-wareedyo ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in weerarka lala eegtay goob ay ku shirayeen hogaamiyaasha Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay 7 xubnood oo kamid ah Al Shabaab ayaa ku dhintay duqeynta.

Ma jirto cid sheegatay inay ka damabayso weerarka, balse duqeymaha noocan ah ayaa waxaa looga bartay Mareykanka oo mudooyinkii dambe kordhiyay beegsiga Al Shabaab.

Jubbaland kama aysan hadlin sidoo kale duqeynta Beerxaani, oo 60KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM