Soomaaliya: Duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab.

War Safaaxadeed kasoo baxay maanta AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in afar kamid ah Al Shabaab ay ku dhinteen weerarka oo shalay ka dhacay saldhig Kooxda ku leedahay meel 50Km waqooyiga galbeed uga beegan Kismaayo.

AFRICOM ayaa sheegtay in wax khasaaro ah uusan dadka shacabka ah kasoo gaarin duqeynta, oo noqonaysa midii ugu dambaysay weeraro dhanka cirka ah oo Mareykanka diyaaradihiisa ku beegsanayaan Al Shabaab.

Sanadkii tagey, ugu yaraan 30 weerar ayuu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya, kuwaasi oo qaar kamid ah ay ka dhaceen dhulka Buuralayda ah ee ku yaalla Puntland, halkaasi oo Al Shabaab iyo Daacish fariisamo ku leeyihiin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bixiyay ogolaansho lagu kordhinayo weerarada Mareykanka ee Soomaaliya bishii Maarso ee sanadkii 2017, si loo wiiqo awooda kooxaha mintidiinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM