Soomaaliya: Fiqi oo Raalli-gelin ka Bixiyay Hadal ku Saabsanaa Diyaaradaha F-16 ee Muqdisho lagu Arkay

Image

Muqdisho — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadal uu maalintii shalay jeediyay oo la xiriiray diyaaradaha dagaalka nooca F-16 ah ee maalmihii u dambeeyay lagu arkayay hawada magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in si khaldan loo fahmay hadalkiisii hore, kaas oo loo fasirtay in Soomaaliya leedahay diyaaradahaas. Wuxuu caddeeyay in uusan jirin wax diyaarado F-16 ah oo ay leedahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa tilmaamay in diyaaradaha lagu arkay hawada Muqdisho ay si buuxda u leeyihiin Dawladda Turkiga, isla markaana ay qeyb ka yihiin iskaashiga amni iyo milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqday mid lagu beeninayo hadal Saxaafada Warisay oo uu ku faaney diyaardaha Turkiga - Wasiirka ayaa caan ka ah baraha bulshada isaga oo ka falceliya xaalada siyaasada Soomaaliya si joogto ah. 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkigu iska leeyahay diyaaradahaas, isaga oo xusay in joogitaankooda uu la xiriiro taageerada milatari ee Ankara siiso Muqdisho, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Raalli-gelinta Wasiirka ayaa timid xilli hadalkiisii hore uu dhaliyay hadal-heyn siyaasadeed iyo mid warbaahineed, iyadoo dad badan ay su’aalo ka keeneen awoodda dhanka cirka ee Soomaaliya iyo heerka ay gaarsiisan tahay iskaashiga milatari ee ay la leedahay Turkiga.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM