Soomaaliya: Ganacsiga qeybo kamid ah Muqdisho oo xiran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa saaka xiran Ganacsigii ka jiray Suuqa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo halkaasi uu ka dhacay dibadbaxa ay dhigayaan Ganacsatada.

Qof kamid ah Ganacsatada Suuqa ayaa sheegay in dadka banaanbaxa dhigaya ay ka cabanayaan ciidamo hubaysan oo Militari ah, kuwaasi oo dilal ka gaysta Suuqa gudihiisa xilliyada qaar iyo arrimo amni darro oo kusoo korartay Suuqa.

Dadka Banaanbaxa dhigay oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa ugu baaqay dowladda inay wax ka qabato ciidamada qalqalka iyo dilalka ku haya Ganacsatada, iyagoo sheegay inay doonayaan nabadgelyo ay ku ganacsadaan maadaama ay bixiyaan canshuurta.

Dibadbaxa ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay Suuqa gudahiisa lagu dilay qof ka mid ahaa ganacsatada, kadib markii uu diiday inuu dhiibo lacag dhan Shan kun oo Shilin Soomaali ah oo uu waydiistay Askari Militariga Soomaaliya katirsan.

Maamulka degmada Kaaraan ayay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay dhinaca amniga Suuqa, oo noqday meel ciidamada maalin kasta lacago baad ah uga qaadaan Ganacsatada, iyadoo qofkii diidana ay dilaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM