Soomaaliya: Gurmad horleh oo soo gaarey Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo shalay waxaa Muqdisho soo gaarayey gurmad caafimaad, oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhaawacmay masiibadii ka dhacday 14-kii October Isgoyska Zoobe.

Diyaarado sida Deeq daawo ah, oo ka socdo Mareykanka, Qadar iyo Kenya ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Labo Diyaaradood oo ka socda Kenya, hal dalka Qadar iyo mid military oo Mareykanka soo diray ayaa waxay keeneen dhowr tone oo daawo ah.

Kenya waxay u qaadey Nairobi 12 dhaawac ah, halka Suudaan loo duuliyay 23 qof oo qaba dhaawacyo kale duwan oo aad u culus.

Qadar dhaawacyadii ay kasoo qaadey Muqdisho waxay u weecisay dhanka dalka Suudaan.

Shalay waxaa soo gaarey Magaalada Diyaarado sida daawo iyo dhaqaatiir kuwasoo ka yimid dalalka Turkiga iyo Jabuuti.

Dowlad Soomaaliya oo go'aan dhexdhexaad ka qaadatey khilafka u dhexeeya wadamada Khaliijka ayaa wadanka Qadar waxaa u arkey in go'aankaas loogu hiiliyey taasooo keentey in uu hoos u dhaco xiriirka Villa Soomaaliya iyo wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yasiin oo horey uga shaqeyn jirey wadanka Qadar ayaa la rumeysan yahay in xiriir fiican la leeyahay dowlada Doha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM