Soomaaliya: Itoobiya lama gelin heshiis maxaabiis isu dhiibid ah

Image
Dhawaqa ayaa daba socda go'aanka liiska argagixisada looga saarey jabhadda ONLF.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Axada maanta ah gaashaanka ku dhufatay in uu jiro heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo la xiriira is-dhaafsiga maxaabiista.

Dhawaqan ayaa qeyb ka ahaa go'aan golaha wasiiradda ay liiska argagixisada uga saareen jabhadda ONLF ayna "sharci darro" ugu aqoonsadeen dhiibidii Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax.

Qaraarka burinta ayaa lagu caddeeyay "in Qalbi-dhax ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin".

Si lamid ah, qaraarka ayaa lagu caddeeyay in bari-yeelida ONLG loo cuskadey "in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo".

Sidoo kale, waxaa go'aanka burida loo daliishay qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah: 1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ; 2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed.

Qalbi-dhagax oo laga soo qabtey magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta ay maamusho Galmudug ayaa maalmo ku qaatay xabsiga Godka Jilicow kahor inta aan 28-dii August, 2017 loo dhoofin dalka Itoobiya.

Kiiskan ayaa wuxuu kamid yahay qadiyado kale oo bar-madow ku noqdey maamulka muddo xileedkiisu idlaadey ee Farmaajo isla markaana saameyn weyn ku yeelan doona damaciisa in uu mar kale soo laabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM