Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka shiray dib-u-habaynta dhaqaalaha

Image
Dib-u-dhaca badan ee doorashooyinka ayaa halis geliyey geedi-socodka dalka looga cafinayo deymaha.

WASHINGTON, USA - Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa uga qeybgalaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka shirarka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda, Bayle ayaa shirar miradhal ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Mudane Hafez Ghanem.

Bayle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ayaa ka wadahadlay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, horumarka laga sameeyay barnaamijka Deyn Cafinta, Doorashooyinka dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee Bangiga ka fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Peter Lord oo ah xubin sare oo ka tirsan Waaxda arrimaha Dibaddda Mareykanka. Bayle ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay xubno ka tirsan Hey'adda IMF iyo Hey'addaha kale dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa u joogo magaalada Washington shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka, Hey'adda Lacagta Adduunka IMF iyo Hey’adda kale ee caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay waydo kaalmada caalamiga ah haddii ay doorashadda sidda weyn u daahdey ay sii guur-guurato illaa bisha May dhamaadkeeda waxaana sidoo kale dhibaato ku imaan karaan xiriirka hay'adaha dhaqaalaha dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM