Soomaaliya iyo Faransiiska oo kala saxiixdey heshiis deyn cafin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixdey heshiis lagu masaxayo deyn dhan 306 milyan Doolar taasoo Muqdisho ay ka amaahatay Paris, sidda uu sheegay wasiirka maaliyada, Cabdiraxmaan Bayle.

"Sharaf ayay ii tahay in safiirka Faransiiska ee Muqdisho, Aline Menager, aan kala saxiixanayo heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha una dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska. Tani waa natiijo ka dhalatay in aan gaarnay barta go'aan qaadashada ee Qorshaha Deyn Cafinta," ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter.

Safaaradda Faransiiska oo dhankeeda qoraal ku daabacdey boggeeda Twitter-ka waxay muujisay in ay ku faraxsan yihiin heshiiska ay saxiixeen.

"Faransiiska waa dalkii afaraad ee Soomaaliya ka ogolaada in uu ka dhaafo deynta," ayaa la raaciyey qoraalkan ku qornaa English-ka.

Laba bilood kahor, danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, iyo wasiir Bayle ayaa qalinka ku duugay heshiis noocaan ah kaasoo Washington ay dhigeeda Muqdisho kaga dhaaftey qaan badan ay ku lahayd.

Bayle ayaa waqtigaas wuxuu shaaca ka dhigay in Mareykanka uu yahay waddanka deynta ugu badan ku leh Soomaaliya uuna hogaamiyo heshiiska.

Tan iyo sanadkii 2016-kii, Soomaaliya ayaa ku guda jirtay safar dib-u-habeyn maaliyadeed oo ay u soo jeedisay Hay'adda Lacagta Aduunka waxaana hadafku ahaa in waddanka laga cafiyo deymaha looga leeyahay guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM