Soomaaliya iyo Faransiiska oo kala saxiixdey heshiis deyn cafin ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixdey heshiis lagu masaxayo deyn dhan 306 milyan Doolar taasoo Muqdisho ay ka amaahatay Paris, sidda uu sheegay wasiirka maaliyada, Cabdiraxmaan Bayle.

"Sharaf ayay ii tahay in safiirka Faransiiska ee Muqdisho, Aline Menager, aan kala saxiixanayo heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha una dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska. Tani waa natiijo ka dhalatay in aan gaarnay barta go'aan qaadashada ee Qorshaha Deyn Cafinta," ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter.

Safaaradda Faransiiska oo dhankeeda qoraal ku daabacdey boggeeda Twitter-ka waxay muujisay in ay ku faraxsan yihiin heshiiska ay saxiixeen.

"Faransiiska waa dalkii afaraad ee Soomaaliya ka ogolaada in uu ka dhaafo deynta," ayaa la raaciyey qoraalkan ku qornaa English-ka.

Laba bilood kahor, danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, iyo wasiir Bayle ayaa qalinka ku duugay heshiis noocaan ah kaasoo Washington ay dhigeeda Muqdisho kaga dhaaftey qaan badan ay ku lahayd.

Bayle ayaa waqtigaas wuxuu shaaca ka dhigay in Mareykanka uu yahay waddanka deynta ugu badan ku leh Soomaaliya uuna hogaamiyo heshiiska.

Tan iyo sanadkii 2016-kii, Soomaaliya ayaa ku guda jirtay safar dib-u-habeyn maaliyadeed oo ay u soo jeedisay Hay'adda Lacagta Aduunka waxaana hadafku ahaa in waddanka laga cafiyo deymaha looga leeyahay guud ahaan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM