Soomaaliya iyo Finland oo iska kaashanaya kobaca dhaqaalaha

Image
Afhayeenada baarlamaanka labada dal ayaa khadka telefoonka uga hadlay xoojinta iyo wadashaqeynta labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Mudane Matti Vanhanen.

"Maanta waxaan khadka taleefoonka kuwada hadalnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Mudane Matti Vanhanen, waxaana kawada hadalnay xiriirka iyo saaxibtinimada labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sidoo kale waxaan isla soo qaadnay xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha," ayuu yiri Aadan Madoobe.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo la hadlay dhigiisa Finland ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM