Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday Heshiisyo dhowr ah

Image
Image

JABUUTI- Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kala saxiixdeen heshiis dhowr ah, kuwaasoo labadda dal muhiimad gaar ah u leh, sida ay ka dhawaajisay Wasaaradda arrimaha Dibada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Axmed Ciise Cawad oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa wuxuu halkaas kulamo kula yeeshay dhigiisa Maxmuud Cali Yuusuf, oo ay kawada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada dal.

Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa waxybaaha ay kawada hadleen kamid ah xoojinta xiriirka Iskaashi, mid Dhaqaale iyo mid Is-dhaxgal ee labadda dale e deris ah, misana walaaha ah, sida lagu xusay nuqul kamid ah war laga soo saarey shirkooda.

Cawad oo kulankaan kadib u waramay war-fidiyeenka ayaa shaaciyay in heshiiska ay kala saxiixdeen Jabuuti uu qeyb ka yahay Iskaashi dhanka amaanka ah oo dhex-mara labadda dowladood, kaasoo uu uu tilmaamay inuu muhiim yahay.

“Reer Jabuuti waan ognahay inay yihiin walaalo na garab taagnaa tan iyo burburkii dowladeena. Waxaana tusaale noogu filan ciidamadooda inay joogaan Soomaaliya, ayna ka qeyb qaadanayaa dadaalada nabad soo celinta,” ayuu yiri Cawad.

Dhankiisa, Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxmuud Cali Yuusuf oo isana hadlay wuxuu qodobadii ay kawada hadleen Wasiir Cawad ay kamid tahay sidii labada dowladood u kobcin lahaayeen awooda ay ku leeyihiin Urur Goboleedka IGAD.

“Sidaan ognahay labada dowladood waxay xubin ka yihiin Urur Goboleedka IGAD, marka waxaan ka wada hadlnay sidii aan dib u eegis ugu sameyn lahayn, aana sare ugu qaadi lahayn saameynteena Ururka,” ayuu isna yiri Maxamuud.

Geesta kale, Wasiir Cawad ayaa markii uu la kulmay Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti wuxuu booqasho Salaan ah ugu tegay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle oo uu u gudbiyey sida uu sheegay Salaan uu usoo dhiibay Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM