Soomaaliya iyo Midowga oo shiray kadib cayrinta diblumaasi

Image
Image
Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumada Muqdisho ayaa si kooban uga warbixisay kulankaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Muqdisho, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira.

Kulankan ayaa la sheegay in looga hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP).

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo bayaan soo saartey, STP ayaa ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.

"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya," ayay wasaaradu raacisay.

Bayaanka ayaa intaas kusii daraya "Iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah".

Is-aragan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dhowaan dalka ka eriday ku xigeenka Madeira kaasoo ay ku eedeysay in uu ku dhaqaaqay talaabooyin liddi ku ah madax-banaanida Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa Simon Mulongo oo u dhashay Uganda waxay siisay muddo 7 maalmood ah oo uu kaga baxo dalka. Mucaaradka wuxuu falkan ku sifeeyay "dhaawac loo geystay diblumaasiyada Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM