Soomaaliya iyo Pakistan oo kawada hadlay iskaashi

Image
Image
Image
Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ka qayb galay Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Cali ayaa dhanka kale wuxuu kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Baakistaan, Shah Mahmood Qureshi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaaliya iyo Baakistaan ee dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, sayniska iyo tiknoolojiyadda, iyaga oo isla gartay in labada dal ay dhowaan wada garaan heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimahaas.

Shirkan ayaa looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta dalka Afgaanistaan. Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa muujiyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka reer Afgaanistaan.

Ururka Iskaashiga Islaamka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ayuu inta uu shirka socdey wuxuu ugu baaqay in xal degdeg loo helo xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta Dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM