Soomaaliya iyo Rwanda oo ka shiray soo celinta safaaradaha

Image
Image
Image
Wasiiradda arrimaha dibada labada dal ayaa isla gartey in ay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa booqasho rasmi ah ku tegey caasimadda Kigali ee dalka Rwanda.

Dhiggiisa Arrimaha Dibadda e dalkaas, Vincent Biruta, ayuu kulan gaar ah oo albaabad u xiran yihiin la yeeshay, iyaga oo ka wada hadlay xoojin xiriirka taariikhiga ah ee Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibbada ah, sida ay sheegtay wasaaradda.

Sida laga soo xigtey bayaanka wasaaradda, labada dhinac ayaa "waxay isla garteen dardargelinta iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda oo ay ku jirto dib-u-soo-celinta safaaradaha".

Wasiirrada ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii ay Soomaaliya iyo Rwanda iskaashi miro-dhal ah uga yeelan lahaayeen dhammaan arrimaha quseeya danaha labada qaran ee amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo isla soo dhoweeyey fursadaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ee Labada Dalka. 

"Ugu dambeyn, iyada oo laga dib loo eegayo  xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda," ayaa raaciyey qoraalkan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee wasaarada.

Cali iyo Biruta ayaa, sida laga soo xigtey qoraalka, waxay isku raaceen in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo iskaashiga fagaareyaasha caalamiga ah iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM