Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis lagu dhisayo xarunta Gollaha Shacabka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay Turkiga, kaasi oo lagu dhisayo xarunta Gollaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ku kacaya 100 Milyan oo Dollar ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Safiirka Turkiga u fadhiga Soomaaliya, Olgan Bekar.

Hay'adda dhanka Horumarinta u qaabilsan dowladda Turkiga ee TIKA ayaa fulinaysa nashruucan lagu dhisayo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, oo laga dhisayo Dabaq 7 biyaano ka kooban oo hoolal shirar iyo hoy ka kooban.

Mashruucan dhisamaha ayaa qaadan doono mudo shan bilood ah.

Olgan Bekar ayaa munaasabada saxiixa ka sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka taageerayo dib u dhiska dalka, gaar ahaan xaruumaha kala duwan ee dowladda ay ku shaqeyso.

Turkiga oo xariir dhaw kala dhaxeeyo dowladda Qadar ayaa sanadkii tagey saldhiga military oo ballaaran ka furtay magaalada Muqdisho kaasi oo la geeyay Ciidamo u dhashay dalkaasi oo la sheegay inay tababar siinayaan Askarta dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM