​Soomaaliya: Kooxda Roobow iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Bakool

Image

XUDUR, Soomaaliya - Dagaal qaraar oo khasaaro badan geestay, ayaa saaka ka dhacay duleedka magaalada Xudur, ee xarunta maamulka gobolka Bakool.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Malleeshiyaad taabacsan Mukhtaar Roobow Cali Abu "Mansuur", iyo Al Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Abal, oo qiyaastii 18KM dhanka Koonfur uga beegan Xudur.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, oo kaabaya kuwa Mukhtar Roobow, ayaa ka qeyb-qaatey dagaalka, kaaasi oo lagu dilay 5 dagaalyahan, oo katirsan Al shabaab, oo Saraakiil ay ku jiraan.

Mas'uul kamid ah maamulka Xudur, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii Xoogaga Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen Abal, oo ay ku sugan yihiin Malleeshiyaadka Roobow.

Al Shabaab ayaa kama aysan hadlin duulaanka ay ku qaadey Abal, balse dhanka Koonfur Galbeed war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in la iska caabiyay weerarka, islamarkaana deegaanka wali uu ku jiro gacantooda.

Tan iyo markii uu Roobow kasoo goostay Al shabaab, Kooxdan ayaa isku dayaysay inay qaarijiso hogaamiyan, oo horey usoo noqday Afhayeenkeeda, kaasi oo hadda wadahadal kula jira dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM