Soomaali lagu laayey tuhun oo qarka u saaran in ay cadaalad helaan

Image

TAIPEI, Taiwan – Maxkamad ku taala Taiwan ayaa dacwad kusoo oogtay kabtan Shiinees ah oo waday doon kalluumeysi kuna eedeysan in uu amray dilka afar Soomaali ah kuwaasoo looga shakisanaa burcad-badeednimo.

Dil bareer ah iyo adeegsiga hub ayay kala yihiin dacwadaha lagu soo oogay. Labadooda wuxuu ku muteysan karaan toogasho ama tobban sano oo xarig ah, taasoo la macno ah in uu la kulmi karo ciqaab aad u daran.

Dacwad-oogeyaasha ayaa rumeysan in xukunka loo dhimi karo sababo ku aadan in marxuumiinta ay iyagu bilaabeen rasaasta ama xabadaha.

Dhacdadan ayaa meel ka baxsan xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya laga soo wariyey September 2012-kii waqtigaas oo Wang Fengyu uu ahaa kabtanka doon laga leeyahay Taiwan oo ku diiwaan-gishan Lamberka 101.

Sidda ay warisay BBC-da, kabtanka ayaa ku doodey in ragga shufta-badeeda lagu sheegay ay rasaas kusoo rideen doontiisa iyo saddex kale kahor inta aysan doonyaha ku guuleysan in ay iska caabiyaan.

Muwaadinkan Shiineeska ah ayaa lasoo xiray bishii August ee sanadkan markii doontiisa ay kusoo xiratay dekada Kaohsiung ee Taiwan. Waaranka lagu soo qabtay waxaa la jaray bishii December ee sanadkii 2018-kii.

Dacwad-oogeyaasha ayaa sheegay in kabtanka uu ilaaladiisa reer Pakistan uu amray in ay toogtaan shufta-badeeda xilli ay isku dayayeen in ay baaqi kusii ahaadaan gudaha badda, taasna ay dhimashada dhalisay.

Sidda laga soo xigtay warbixinada saxaafadda maxaliga ah, kabtanka wuxuu cuskaday in ay isku dayayeen in ay ka badbaadaan qafaalashadda.

Dilkaan oo dhacay 2012-kii wuxuu soo-shaac-baxay 2014-kii markii muuqaal laga soo duubay dhacdadaas uu qabsaday Youtube. Muuqaalkaas waxaa baahiyey qof telefoonka uu ku jiray ka helay gaari tagsi ah.

Muuqaalka waxaa laga maqlayaa codka nin amraya dilka afar burcad-badeed ah oo banaanka ku sugan markii rasaas badan ooda looga soo qaadey. Si lamid ah, muuqaalka wuxuu tusinayaa in meydadkooda oo badda lagu daadiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles