Soomaaliya: Mas'uul isku-day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image
Falkan ayaa imaanaya saacado kadib markii ciidanka ay ka adkaadeen dabley 23-saac haysatay Hotel ku dhow Madaxtooyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Ibraahim Muxyadiin Macow, ayaa ka badbaadey qarax miino oo Talaadada maanta ah lala eegtay, sidda ay xaqijiyeen illo dhanka amniga ah.

"Ma jirto cid kale oo ay waxyeelo kasoo gaartey. Kaliya waxaa burbur kooban uu haleelay gaariga mas'uulka. Baaritaan ayaana ku bilownay cidda ka dambeysay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli 27-dii bishan November ay Al-Shabaab weerar ku bilowday is-miidaamin muddo 23-saac ku haysatay Villa Rays Hotel oo dhowr talaabo u jira Madaxtooyadda Qaranka.

Xidhibaan Dayax Axmed Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa is-waydiiyay sababta NISA u hesho macluumaadka gudaha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida balse uga hortagi wayday duulaankan.

"Isha sirdoonka ee Ceeldheere, Buraale iyo meelaha kale xogta ka keena ee Madaxtooyadda aan ka warqabin ayaan la yaabay. Ii dheh waaye cajiib," ayuu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Tan iyo 15-kii May, 2022, Soomaaliya waxaa ka dhacay saddex weerar oo muddo saacado ay ay rag ka tirsan Al-Shabaab ku haysteen Hotel waxaana ugu waqti dheeraa Xayaat Hotel oo ay ku jiraan ku dhowaad 31 saac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM