Soomaaliya: Mas'uuliyiin katirsan KG oo xilalka laga qaaday

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru dowladihii Madaxtooyadda ee maamulkaa, Maxamed Cabdullaahi Mursal iyo gudoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aden Cali Najax.

Shariif Xasan Aadan, ma uusan shaacin sababta uu xilka qaadista ka dambaysa, laakiin warar ayaa sheegaya inuu jiro is-maan-dhaaf soo kala dhex-galay labadda dhinac, kaasoo mudooyinkii dambe soo xoogeysanayay

Wasiirka xilka laga qaaday wali ma uusan ka hadlin xilka qaadista ku sameeyay, hogaamiyaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, ma jirto xubin cusun oo xilkaan loogu magacaabay wareegtada kasoo baxday Xafiiska Shariif Xasan.

Geesta kale, isla qoraal maanta kasoo baxay Xafiiska Shariif ayaa waxaa Gudoomiye cusub loo magacaabay gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ah gobolada ugu amaanka xun deegaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Barre, ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoona uu xilkaan horey u haayey Ibrahim Aden Cali Najax, kaasoo sanadihii lasoo dhaafayey ku fadhiyey Kursigaan.

Ibrahim Aden Cali Najax ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha Madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Magacaabista gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo xilka qaadista masuulkii hore ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadoo amaanka gobolka uu yahay mid liita, waxaana maamulkii hore lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay wax ka qabashada arrinkaas.

HOOS KA AKHRI DIGREETADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM