Soomaaliya: Mas'uuliyiin katirsan KG oo xilalka laga qaaday

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru dowladihii Madaxtooyadda ee maamulkaa, Maxamed Cabdullaahi Mursal iyo gudoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Aden Cali Najax.

Shariif Xasan Aadan, ma uusan shaacin sababta uu xilka qaadista ka dambaysa, laakiin warar ayaa sheegaya inuu jiro is-maan-dhaaf soo kala dhex-galay labadda dhinac, kaasoo mudooyinkii dambe soo xoogeysanayay

Wasiirka xilka laga qaaday wali ma uusan ka hadlin xilka qaadista ku sameeyay, hogaamiyaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, ma jirto xubin cusun oo xilkaan loogu magacaabay wareegtada kasoo baxday Xafiiska Shariif Xasan.

Geesta kale, isla qoraal maanta kasoo baxay Xafiiska Shariif ayaa waxaa Gudoomiye cusub loo magacaabay gobolka Shabeellaha Hoose oo kamid ah gobolada ugu amaanka xun deegaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Barre, ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoona uu xilkaan horey u haayey Ibrahim Aden Cali Najax, kaasoo sanadihii lasoo dhaafayey ku fadhiyey Kursigaan.

Ibrahim Aden Cali Najax ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha Madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Magacaabista gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo xilka qaadista masuulkii hore ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadoo amaanka gobolka uu yahay mid liita, waxaana maamulkii hore lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay wax ka qabashada arrinkaas.

HOOS KA AKHRI DIGREETADA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM