Soomaaliya: Maxkamad go'aan kasoo saartey Kiiska CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa go'aan ka gaartey Kiiska Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Maxkamadda oo maanta u farìistay Dacwada lagu soo oogaya CC Shakuur ayaa soo saartay go'aano ay kamid yihiin in Siyaasigan uusan dalka ka bixi karin, iyadoo laashay qaraarkii hore ee Maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxa kaloo loo fasaxay Xafiiska Xeer Ilaalinta inui sii wato baaritaanka lagu hayo eedaymaha CC Shakuur oo ay ku jiraan inuu maleegayay Mooshin lagu ridayo Madaxweyne Farmaajo iyo Qalqal gelin Siyaasaadeed inuu ka waday Muqdisho.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cai Daahir oo isagu racfaanka geeyay Maxkamadda ayaa loo madax-baneeyay inuu sii wadato baaritaannada uu ku hayo Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Go'aanka Maxkamada ayaa soo baxay iyadoo xalay uu CC Shakuur sheegay in Kiiskiisa la siyaasadeed oo Villa Soonaaliya ay ka dambeyso in dib loo soo nooleeyo iyadoo horey ay Maxkamad go'aan uga gaartey.

Ma jirin qareeno CC Shakuur u matalay Dhageysiga Dacwadiisa, kadib markii uu kalsoonida kala laabtey wakiiladiisa horey u difaacayay.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa ganaax lacageed iyo ciqaab dhul-dhigtay qareenno katirsan Maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo aan la sheegin sababta.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur wali kama uusan hadlin go'aanka Maxakamadda Racfaanka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM