Soomaaliya: NISA oo weerar ku qaadey guriga Cabdiraxman Cabdishakur

Image

MUQDISHO- Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weerar ku qaadey galinkii dambe ee caawa gurriga siyaasi Cabdiraxman Cabdishakur halkaasoo wararka soo gaaraya Garowe Online sheegayaan in xabsiga loo taxaabey iyadoo howlgalkaan uu sababey dhimasho iyo dhaawac.

Wararka soo gaaraya warsidahaan ayaa xusaya in ilaalada guriga Cabdiraxman Cabdishakur qaar ka tirsan weerarkaan ku dhinteen halka siyaasigaan oo wayadaan dambe mucaarad xoogan ku ahaa dolwada Madaxweyne Farmaajo dhaawac fudud soo gaarey.

Xogta aan ka heley qaar ka tirsan dad u dhow Siyaasi Cabdiraxman ayaa sheegeysa in ciidankaan ku dabiibeen dhaawaciisa isbitaalka Digfeer halkaas oo ay horey ugu sii gudbyeen xarunta hay'ada sirdoonka ku leedahay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxman Cabdishakur oo kamid ahaa musharaxiinta Madaxweynaha doorashadii dalka ka dhacdey horaantii sanadkaan ayaa lala qabtey sarkaal hore uga tirsanaan jirey dekada magaalada Muqdisho kaasoo marka weerarkaan dhacayey ku sugnaa gurigiisa.

Weerarka ciidamadaan ayaa yimid kadib markii maalintii shaley Xeer Ilaaliyaha Qaranka eedeymo u jeediyey labo Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka isagoo codsadey in xasaanada laga qaado si loogu soo oogo dambiyo ay ka galeen qaranka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Talaabada Villa Soomaaliya ku soo qabatey Cabdiraxman Cabdishakur ayaa noqonaysa boog cusub ee siyaasadeed iyadoo wararku sheegayaan in falkaan yahay mid lagu cabsi galinayo mucaaradka madaxda sare oo maalmahaan kor u sii kacayey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM