Soomaaliya oo balanqaad cusub u sameysay Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wali aan xafiiska si rasmi ah ula wareegin lana caleema-saarin ayaa ballan qaaday inuu la shaqeyn doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay is-hayaan, taasoo wax ka bedeli karta dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya xasillooni darro.

Xasan Sheekh ayaa Axadii si aqlabiyad leh waxaa u doortey baarlamaanka 11aad ee dalka, kuwaasoo xukunka ka tuuray Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saaxiib dhow la ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Farmaajo iyo Abiy waxay u wada shaqaynayeen si dhow, xataa waxay saxeexeen heshiis saddex geesood ah, kaas oo kor u qaadaya ganacsiga Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya. Farmaajo ayaa dib u soo celiyay xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa oo ay weheliso Asmara kadib shaki dheer oo soo jiray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sida wanaagsan ee uu ugu hambalyeeyay in mar kale la doorto. Waxa uu ku adkaystay in laga shaqeeyo xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah ee Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u jawaabaya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa yiri: “Waxaan rajeynayaa inaan si dhow idinkala shaqeeyo danaha guud ee labada dal iyo kuwa gobolka.” Abiy Axmed ayaa ugu hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud guusha uu gaaray.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Talaadadii sheegtay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka shaqeynayaan sidii ay u dhisi lahaayeen Guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah, si kor loogu qaado xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada badan leh ee iskaashiga ah.

Dhinaca kale maanta oo Talaado ah, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii wada kulammada uu Muqdisho kula yeelanayo ergada diblumaasiyadeed ee ajnabiga ah. Waxaa booqasho ku tagay Safiirada dalalka Turkiga, Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo kuwo kale. Ololihiisii ​​oo dhan, waxa uu ku adkaystay in uu kor u qaado siyaasad adag oo arrimaha dibadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM