Soomaaliya oo balanqaad cusub u sameysay Kuwait

Image
Image
Image
Image
Mas'uuliyiin sar-sare oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ku kulmay magaalada Kuwait City.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos, ayaa ka qayb galaya Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Dalka kuwait.

Beekoos ayaa shirkaas kadib wuxuu kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Ahmed Nasser Mohammed Al-sabah, sida ay sheegtay wasaaradda.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga qotadadheer ee ka dhexeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Sida laga soo xigtey bayaan kasoo baxay wasaaradda, cilaaqaadka labada waddan ayaa "taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada".

Wasiir Maxamuud ayaa "la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go'antay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesoodka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM