Soomaaliya oo beenisay war culus oo kasoo yeeray Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in dowladda hada jirta ay Kenya kula jirto wadahadallo ku saabsan muranka dhinaca Badda.

Monica Juma, oo ah wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya ayaa todobaadkii lasoo dhaaftay sheegtay in dowladeeda ay kula jirto Soomaaliya wadahadallo hoose, oo ku saabsan sidii lagu soo afjari lahaa muranka Badda.

Laakiin, wasiir Cawad ayaa gashaanka ku dhuftay warkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlada Soomaaliya ay dooneyso in iyada iyo Kenya ay ku kala baxaan Maxkamada Calaadda Aduunka [ICJ], halkaasi oo xilligan ay taallo dacwadooda.

“Kiiska Badda ee nagala dhaxeeya Kenya wuxuu yaalaa Maxkamada Cadaalada aduunka ee ICJ, sidaas darteeda waxaana rabaa inaan sheego inaanu jirin wax wadahal ah oo aan la leenahay Kenya oo ku saabsan kiiskan,” ayuu yiri wasiirka.

“Waan xishmeynayaa Kenya, waa deris wanaagsan, laakiin hadda ma jiraan wax wadahalo oo rasmi ah oo ku saabsan sidii muranka dhanka bada ee aan ku xalino, sidaas darteeda waa inaad sidaas ula socotaan,” ayuu Wasiirka hadalkiisa kusoo xiray.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa wuxuu dhar-baaxo kulul ku yahay dowlada Kenya, taasoo u muuqata mid isku deyasa inay hoos udhigto mawqifka Soomaaliya ee ku aadan muranka Badda.

Kenya ayaa dhawaan ku baaqday in faragelinta dibadda laga daayo Soomaaliya, taasi oo dad badan ay u fahmeen inay ula jeeday wadanka Imaaraadka carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM