DF oo caddeysay mowqifkeeda colaadda ka holceysa Ethiopia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkii ugu horeeyay oo rasmi ah waxay kasoo saartey colaadda labadda todobaad ka holceysa waqoyga waddanka deriska la ah ee Itoobiya.

Bayaanka oo ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa garab-is-taag loogu muujiyey maamulka Abiy Axmed

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqeysa wadahadal lagu soo gabagbeynayo dagaaladda ka oogan waqoyga dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Qoraalka ayaa lagu bilaabay: "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay xaaladda soo shaac baxday ee Itoobiya".

"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa taageerada ay u hayso midnimada Itoobiya, waxayna ku baaqeysaa in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka gudaha ee Itoobiya".

War-saxaafadeedka ayaa ku daray: "Soomaaliya, deris ahaan iyo saaxiib ahaanba, waxay diyaar u tahay in ay si buuxda u taageerto baadi goobka loogu jiro soo afjaridda xaaladda hadda ka taagan Itoobiya".

"Soomaaliya waxay ayideysaa baaqyo ka yimid gobolka oo ahaa in qaab deg deg ah oo nabad ah lagu xaliyo khilaafka ka taagan Itoobiya".

Wasaaradda ayaa xusteu "Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay hadda iyo mar walba, ay aaminsan tahay in gobolkeennu u baahan yahay in la xoojiyo tabarucaadka wadajirka ah iyadoo la higsanayo ujeeddada guud ee nabadda iyo amniga si kor loogu qaado fursadaha dadkeenna".

"Soomaaliya waxay dib u xaqiijineysaa in ay ku garab-taagan tahay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuurka, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Itoobiya," ayaa lagu soo xiray.

Maamulka Farmaajo ayaa gacansaar dhow la leh xukuumadda Abiy Axmed, waxaana ay kawada shaqeynayaan mashruuca u muuqda mid dhicisoobay ee is-dhexgalka amni iyo dhaqaale ee Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM