Soomaaliya oo diidey warbixin uu diyaariyey Midowga Afrika

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay Sabtida maanta ah waxay ganafka ku dhufatay warbixin uu diyaariyey guddiga qiimeynta madaxa-banaan ee ururka Midowga Afrika.

Warbixintan oo AU-da kasoo baxdey bishii May ayaa saluug badan looga muujiyey xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhinacyadda ammaanka, siyaasadda iyo mudada xilheynta Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Intii talada uu hayey madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey, Soomaaliya ayaa "dhexda u gashay xaalad hubanti la'aan ah, qalalaase iyo heshiis la'aan" dhanka mar-xalada kala guurka ah.

Sida ku xusan warbixinta, jahwareerka siyaasadeed iyo heshiis la'aanta doorashadda ayaa dalka u horseeday iska-horimaad dhiig ku daatay oo ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo u dhaxeeyay ciidanka xoogga.

"Dhacdadaas waxay caddeyneysaa in ciidamadda Soomaaliya aysan u diyaar-saneyn in ay mas'uuliyadda ammaanka dalka kala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM," ayay intaas raacisay warbixinta.

Diidmada Soomaaliya ee warbixintaas oo wararku sheegayaan in ay tahay rabitaan ka yimid Villa Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa kulan maanta ka dhacay Madaxtooyadda oo diiradda lagu saarey qadiyaddaas.

Kulanaas waxaa kasoo muuqdey wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka arrimaha gudaha, safiirka Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay, iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsanaa xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya.

"Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo saari doontaa qoraal rasmi ah oo arrintaas la xiriira," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda laguna faafiyey warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Maamulka Farmaajo ayaa wuxuu horey loogu eedeeyay in uu siyaasadeeyay arrimaha dibadda isuna dayayo in uu u adeegsado aalad uu ku galo ololaha doorashadda si uu afarta sano ee soo aadan taladda u sii haayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM